XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembélé, ayaa loo arkaa musharaxa ugu sarreeya ee ku guuleysan kara Ballon d’Or sannadkan, isaga oo ka horreeya da’yarka Barcelona, Lamine Yamal.
Isagoo ka hadlayey fursadiisa, Dembélé ayaa yiri:
Xiddiga reer France ayaa intaas ku daray in mararka qaar dadku ugu yeeraan magaca “Ballon d’Or”, taas oo muujinaysa sida uu bulshada u dhexgalay.
Si kastaba ha ahaatee, Dembélé ayaa xusay in isaga, macallinka Luis Enrique, iyo dhamaan kooxda PSG ay xooga saareen guusha kooxeed, gaar ahaan final-kii Champions League.
“Kadib xilli ciyaareed sidan oo kale ah – afar koob, goolal iyo caawino – waa wax caadi ah in la ii tixgeliyo musharaxa ugu cadcad,” ayuu ku daray.
Inkasta oo xaaladdu u muuqato mid taageeraysa Dembélé, haddana codbixiyeyaasha ayaa go’aanka kama dambays ah ka gaari doona.
XIGASHO LAACIB.NET
