Deni iyo Madoobe yaa fiican.? [Kaftan siyaasadeed]

0

Su’aashaas ayuu weydiiyay saakay nin aan ku kulannay goob lagu qaxweeyo oo ku taala magaalada Ankara.

Anigoo raba inaan si dadban uga jawaabo su’aasha ayaan uga sheekey ninkii sheekadan waxaana ku iri:

Wax rag loogu soo halqabto maahee, Nin baa lahaa laba xaas. Labadii xaas ayaa mid walba sheegatay iney ka qurux badan tahay tan kale. muran dheer kaddib waxey ku heshiiyeen iney ninka qaba oo isagu xogxogaal ah labadoodaba, kalana saari kara isula tagaan.

Odeygii qabay bey u yimaadeen, waxeyna weydiiyeen; labadooda tan qurxan?

Odeygii oo su’aasha kedis looga dhigay, doonayayna inuu dhex dhexaadnimadiisa ku adkeysto ayaa xaasaskiisa ugu jawaabay:

Quruxi majirtee, labadiina markaan mid eego intaan madaxa qabsado ayaan iraahdaa “LAA XOOWLA”, markii aan tan kale fiiriyana anigoo yaaban ayaan iraahdaa “WALAA QUWATI.

Waxaan hadalki ugu soo gabagabeeyay: Fiicfiicnaani ma jirtee, anigoo Ilaahey ka baqaaya, labada madaxweyne Deni iyo Madoobe, markaan mid hadaladiisa iyo dhaqamadiisa siyaasadeed dhuuxo LAA XOWLA ayaan iraahdaa, markii aan kan kale u fiirsadana WALAA QUWATI ayaa iga soo fakata!

 

 

Ninkii Coffee giisii oo weli kulul intuu laba cantuugo ka dhigay ayuu iga tagay isagoo ila yaaban!

~Aw Cismaan

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here