Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kulan deg deg ah kuila qaatay Hay’adaha Sharci fulinta sida Golaha Garsoorka iyo Laamaha Amniga Puntland.

Kulanka ayaa waxaa inta uu socday uu saabsanaa shaqo, iyadoo Madaxweyne Saciid Deni uu warbixino ka dhegaystay Golaha Garsoorka iyo Saraakiisha laamaha Amniga, waxayna uga warbixiyeen howlaha amni ee deegaannada Maamulka.

Advertisement

Madaxweynaha Puntland ayaa saraakiisha ammaanka Maamulka ayaa faray inay sii laba jibaaran shaqooyinka lagu xaqiijinayo nabad-galyada, isla markaana loo baahan yahay in laga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.

Kulanka xalay ayaa yimid saacado ka dib markii Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu xilkii ka qaaday labo Wasiir oo uu ku jiray Wasiirkii amniga Puntland C/samad Gallan oo ka mid ahaa xubnaha ugu saameynta badnaa Maamulkiisa.

Previous articleGuddiga Guddoomiye Aadan Madoobe uu u xilsaaray dagaalkii Baraawe oo billaabay kulamo xog-raadin ah.
Next articleMaamulka dugsi sare oo ku yaalla magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka oo shahaadadii u diiday gabadh ardayad muslimad ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here