Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay doorashadii Madaxweynenimo ee uu uga qeyb galay Magaalada Muqdisho iyo doorkii Puntland ku laheyd in isbedel uu ku dhaco hoggaanka dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Maanta khudbad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa u mahad celiay cidkasta oo taageero u muujisay markii uu isku sharaxay xilka Madaxweynaha Somalia, isaga oo sheegay in uu aaminsanaa in uu yahay qofka ka saari kara caqabadaha kajira Soomaaliya balse taasi ay dhici weeysay.

Sidoo kale Deni wuxuu sheegay in shirarkii uu uga qeyb galay Magaalada Muqdisho, sida shirkii golaha wadatashiga qaran ay kaga heshiiyeen  madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada arrimo ku saabsan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kamid ahaa musharrixiintii soo gaaray wareegyadii ugu dambeeysay ee tartankii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee ugu dambeyn uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here