Dowladda Federaalka Soomaaliya & Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ku ballamay xoojinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka si looga qabsado deegaannada ay joogaan.

Shir jaraaid oo wadajir maanta ay u qabteen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska XFS Daauud Aweys Jaamac & Madaxa ugu sarreeya howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS Danjire Souef Mohamed El-Amine waxa ay ku sheegeen in ay xoojinayaan howlgallada socda.

DFS & ATMIS ayaa tilmaamay in wadajir howlgal ay u fuliyeen ciidamada labada dhinac oo iskaashanaya oo ka dhacay Deegaanka Danoow Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed lagu dilay 23 xubnood oo katirsan ‘AS’.

Dowladda Federaalka & Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in diyaargarow xooggan loo galay wajiga xiga ee howlgallada ‘AS’ looga qabsadano deegaannada dhaca Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

“iyada oo dhowaan uu Madaxweynaha JFS Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in wajiga xiga ee howlgalka lagu ciribtirayo ‘AS’ ay ka dhici doonaan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland waxaa durba billawday howlgal lagu beegsaday Khawaariijta oo dhowaan deegaannadaas ka dhacayo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta XFS Daauud Aweys.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda waxa ay ‘AS’ ka qabsadeen deegaanno dhowr ah oo qaarkood in ka badan 10 sano gacanta ay ku hayeen ‘AS’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here