Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya  Soomaaliya Larry E. Andrew.

Kulanka Wasiirka iyo Danjiraha ayaa diiradda lagu saaray “sida ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan karaan horumarinta kalluumeysiga gudaha loogana faa’ideysan karo kheyraadka baddeenna.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sida ay hay’adda gargaarka Maraykanka ee USAID Somalia dowr ugu yeelan karto in la horumariyo kalluumeysiga gudaha si kor loogu qaado wax soo saarka dalka loona gaaro kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan H.E Ahmed Hassan Aden ayaa uga mahadceliyey safaaaradda iyo hay’adda USAID Somalia sida u ay daneynayaan horumarinta iyo maalgalinta kalluumeysiga gudaha.

Wasiirka ayaa Madaxda Safaaradda iyo USAID Somalia ayaa u sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimad weyn u leedahay iskaashiga dowladaha iyo hay’adaha daneeya Soomaaliya gaar ahaan kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda. Sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay kulanka.

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya iyo Madaxda Hay’adda USAID Somalia ayaa dhankooda u balan qaaday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda in ay ka caawin doonaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka Badda iyada oo shaqo Abuur loo sameynaya dhalinta ku sugan gudaha Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here