Kulankii heer farsamo ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ee la filaayey in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, kaddib markii la isku raaci waayey ajendaha looga hadli lahaa kulanka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Fiona Lortan, Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay u soo saartay baaq ka dhan ah go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee la xiriiray sii joogitaanka Soomaaliya ciidanka Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here