Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenk Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan la qaatay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Adem Abdelmoula.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga Q.M. kala hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya kala dhexeeya hay’daha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxyaabaha hortabinta u leh Xukuumadda Soomaaliya.

Mr. Adem Abdelmoula ayaa dhankiisa ballanqaaday in Q.M. ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto xasilinta deegaannada dhawaan laga saaray Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo in dadweynaha Soomaaliyeed ay ka soo kabtaan dhibaatada ka soo gaartey dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here