Wafdi ka socda DG Galmudug gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud u tagay qiimeynta shuruudaha loogu aqoonsan karo Degmo kusoo biirta Gobolkaas.

Deegaannadaan waxaa horyaalla fulinta Shuruudo dhowr ah sida uu sheegay Axmed Xasan Cali (Axmed Dheere) Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Galmudug ahna ku simaha Wasiirka oo xeraale u tagay hubinta arrintaan.

“Safarkeena waxa uu salka ku hayaa sidii Xeraale aan ugu raadin lahayn in loo aqoonsado Degmo katirsan Gobolka Galgaduud, wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ila socda oo qiimeynaya shuruudaha oo haddii ay fulaan waxaa loo gudbinayaa Golaha Wasiirada & Baarlamaanka” ayuu yiri Axmed Dheere Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug.

Guddoomiyaha Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud Bashiir Daahir Yuusuf ayaa shacabka ka dalbaday in ay isku xilqaamaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen Guddiga ka socda DG Galmudug ee qiimeynta ugu tagay.

Golaha Wasiirada DG Galmudug ayaa Degmada Guriceel u aqoonsaday in ay buuxisay shuruudaha Degmonimo, Baarlamaanka Dowlad-Goboleedkaas ayaa cod ku taageeray arrintaan 16-kii November 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here