Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in diyaargarow xooggan oo ka dhan ah ‘AS’ la geliyay ciidamada Federaalka iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas si todobaadyada soo socda ay u qabsadaan deegaannada ay weli joogaan.

Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Abshir Cabdi Shiiqoow ayaa sheegay in ciidamada Dowlad-Goboleedkaas ay wadaan dhaqdhaqaaq xooggan oo ay ku doonayaan in ay qabsadaan deegaannada ay joogaan ‘AS’.

Advertisement

Wasiir Abshir ayaa tilmaamay in Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ay qayb ka yihiin abaabulka socda isaga oo sheegay in wadashaqeynta ciidamadaan ay aad u wanaagsan tahay waa sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo tababar soo dhammeystay geysay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug kuwaas oo labo jeer la geeyay deegaannada Dowlad-Goboleedkaas si ay ula howlgalaan ciidamo horay loo diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here