DG Hir-Shabeelle & Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa kawada hadlay xoojinta Amniga Garoomada Diyaaradaha deegaannada Dowlad-Goboleedkaas maadaama ciidanka AU-da ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa Golaha Wasiirada Dowlad-Goboleedkaas la wadaagay in Howlgalka ATMIS uu kala hadlay adkeynta nabadgalyada Garoomada Diyaaradaha.

Advertisement

Golaha Wasiirada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa taageeray qodobkaas, waxa uu soo jeediyay golahaas in la dardargeliyo wadashaqeynta iyo dhaqangelinta xoojinta nabadgalyada Garoomada Diyaaradaha.

“Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal laga soosaaray kulanka Wasiirada Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here