Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeedka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso howlgallada la dagaalanka ‘AS’ ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas si gaar ah waddada Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

La taliyaha Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Arrimaha Warbaahinta Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) oo Saxaafadda maanta la hadlay ayaa sheegay in Koofur Galbeed ay xoogga saartay sidii go’doonka looga qaadi lahaa deegaannada u xayiran ‘AS’.

Advertisement

Waxa uu tilmaamay in dhabbaha keliya lagu gaari karo nabadgalyada ay tahay in guud ahaan maamul & Shacab la iskaashado oo wadajir loola dagaalamo ‘AS’ si looga hortago dhibaatooyinka ku hoos duugan go’doonka.

Lataliye Maxamed Sheekh ayaa sheegay in DG Koofur Galbeed ay go’aan ku gaartay in Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Federaalka laga howlgeliyo deegaannada ay ku sugan yihiin ‘AS’ si looga qabsado.

Diyaargarow xooggan oo wajiga labaad ee howlgallada la dagaalanka ‘AS’ ayuu sheegay in uu socdo lana diyaariyay ciidamada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee qaybta ka qaadanaya howlgalladaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Go’doon maalmihii u dambeeyay ‘AS’ Saartay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed ayaa sababay sicir barar oo waxa ay maciishaddu gaartay labo laab qiimihii horay loo iibin jiray halka caanaha, Hilib, Xoolaha & waxyaabaha dhanka miyiga laga keenayay joogsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here