Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa waxaa la filayaa in Teendhada afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal gaar ahaan kuwa dooran ee Shahaadada Xildhibaannimo qaatay.

Xalay xoghayeyaasha labada Aqal ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay inay tagaan Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye si halkaasi looga qaado lana geeyo teendhada Afisiyooni si loogu dhaariyo.

In ka badan 200 oo isugu jira labada Aqal ayaa Shahaadada Xildhibaannimo qaatay, kuwaas oo Maanta dhaarintooda la bilaabayo, waxaana jira Xildhibaano aan weli qaadan Shahaadada Xildhibaannimo.

Xildhibaannada labada Aqal ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaan kamid ah kuwa aan weli qaadan Shahaadada, iyaga oo ka gadoodsanaa kuraas la hakiyay balse xalay Guddiga doorashada fasaxeen, waxaana la filayaa inay Maanta yimaadaan Muqdisho ayna qaataan Shahaadada Xildhibaannimo si ay dhaarta uga qeyb galaan.

Amniga Guud ee teendhada Afisiyooni ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Ciidamada Booliska Soomaaliya ay xireen waddooyinka gala & kuwa ka baxa teendhada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here