Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in saakay arin dad badan layaab ku noqotay ka dhacday hoolkii lagu dhaarinayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Guddiga farsamada iyo soo xulida Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle ayaa xalay soo dhameestiray 9-xubnood oo muran ka taagnaa, waxaana xubnahan qaarkood la sheegay in si qasab ah lagu bedelay kuwii ay soo qoreen odayaasha dhaqanka.

Arinta layaabka leh ee laga soo sheegay xarunta Baarlamaanka Hirshabelle lagu dhaarinayay ayaa aheyd mid kamid ah xubnihii muranka ka taagnaa oo xalay la ogolaaday in uu Xildhibaan noqdo uuna qoray Ugaaskiisa oo saakay si lama filaan ah liiska looga saaray.

Gudoomiyihii hore ee degmada Baladweyne Aadan Axmed Xeefow ayaa xalay Ugaaska Beeshiisa ku qoray kursiga Xildhibaanimo, waxaana saakay ninkan markii uu tagay xaruntii lagu dhaarin lahaa loo sheegay in uusan Xildhibaan aheyn lana tiray.

Waxaa kursiga laga tiray Xeefow saakay lagu qoray loona dhaariyay in Xildhibaan noqdo nin lagu Magacaabo Cabdi Xakiin Luqmaan oo la sheegay in Fahad iyo Villa Soomaaliya u wadaan in laga dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Hoolka munaasabada dhaarinta ka dhici laheyd ayaa waxaa ka dhacay muran iyo buuq ka dhashay arintan iyo sidoo kale Xildhibaano kale oo ciidamada amaanka ka qaadeen warqadihii aqoonsiga ee guddiga farsamada siiyeen.

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada cusub ee Hirshabelle ayaa la sheegay in ay ku yimaadeen qaab musuq maasuq ah, waxaana xubnahan badankood Odayaasha lagu qasbay in kaliya saxiixaan waxaana soo xushay Viila Soomaaliya iyo taliska NISA.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here