Gen. Maxamed Xaashi oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Degmada Hodan ayaa loo qaaday waddanka Turkiga si looga dhaweeyo dhaawaca kasoo gaaray qaraxaas, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka sagootiyay saraakiil katirsan CXDS.

Maxamed Xaashi Guuleed ayaa loo diyaariyay isbitaal ku yaalla Turkiga si loogu daweeyo, saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ka abaabulay qorshaha lagu qaaday ayaa sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay.

Gen. Maxamed Xaashi waxa uu kamid yahay saraakiisha waaya-aragga ee Ciidamada Xoogga Dalka, dhaawaca kasoo gaaray qarax lala eegtay ayaa looga daweynayay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Muqdisho.

Waxaa Jananka sii sagootiyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage, Saraakiil katirsan CXD, Waber Maxamed Waber Axmed, Wasiiro, Xildhibaanno iyo xubno kamid ah ehelka Gen. Maxamed Xaashi Guuleed.

“Waxa aan halkan ugu mahad celineynaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Taliyaha CXDS Jeneral Odowaa Yusuf Raage kaalinta weyn ee uu ka qaatay in dalka Turkiga caawa loo qaado General Maxamed Xaashi Guuleed oo dhaawac culus soo gaaray. Waxa aan sidoo kale u mahad celineynaa intii gacan ka geystay oo dhan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu.

“Tan iyo maalinkii uu Jananku dhaawacmay Taliska waxa ay muujiyeen garab istaag muuqda maadaama uu General Mohamed Hashi ka mid ahaa saraakiisha waayo aragga ah ee waqti dheer ka tirsanaa hogaanka Ciidanka. Waxa xilligii la qaaday oo habeen barkii ka dambeysay garoonka ku sugnaa Taliye Odowaa iyo saraakiil,Waber Mohamed Weber Ahmed, Wasiir Khalif, Xildhibaan Bene Bene, Wasiir hore Gaagaale iyo aniga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Macalimu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here