Wararka ka imaanaya garoonka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo kusoo dhaawacmay dagaalka culus ee ka socda magaalada Guriceel laga soo Dajiyay garoonkaas.

Wararka ayaa sheegaya  dhaawacyada magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay ay yihiin kuwa xaaladooda aad u liidato oo waxba looga qaban waayay isbitaalada kuyaala magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Dhaawacyo la keenay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qaaday diyaarado, waxaana dhaawacyada la dhigay laguna daaweenayaa qaar kamid ah isbitaalada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho sida Digfeer ama Erdogan Hospital.

Office Nairobi Kenya

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here