HUURSHE (DAYNIILE.COM)-Wixii dhacdooyin maalmeed dilal, qaraxyo,kufsi iyo dagaalo kala duwan laga soo wariyo Somalia gaaer ahaan deegaanada Maamulka Gal-mudug waxaa shalay Gobolka Gal-gaduud taariikhda u gashay dhacdadii ugu foosha xumeyd diiniyan iyo dhaqan Soomaali ahaan intaba.
Degmada Huurshe ee gobolka Galgaduud waxaa shalay la burburiyay Masjid heystay dhul fiican, sidoo kale burbnurin looguma ekeyne dab ayaa hadana dab la qabadsiiyay intii ka soo hartay sida jiingadihii iyo alwaaxdii soo haray ilaa goobtii dhul banaan oo barxad ah laga soo reebay.
Sababta ayaa guri Alle sidaas loogu galay ayaa iyaduna taariikh xun ku noqoneysa Dunida Muslimka gaar ahan Soomaalida oo lagu yaqaan dad ku ad adag xaga diinta Islaamka iyo masjid jeclida , ma rumesaneysaa in sababtu tahay iska soo horjeedkii dhanka caqiidooyinka ama kala safashada koox diimeedyada dalka ka jirey.
Soomaaliya waxaa ka jiray laba dariiqo waa weyn Suufi iyo salafi laakiin dhaqanka Soomaalida ama taariikhda hore uma dhicin in kala aragti duwanaanshaha yar ee ku dhex-jirey uu heerkaan gaaro .
Dariiqada suufiyada oo Gobolka Gal-gaduud aad looga aaminsan yahay ayaa keentay in masjidkaan sidaas loo galo kadib markii is qabqabsi uu soo kala dhex-galay xili masjidkaani uu ka mid ahaa kuwa fara ku tisriska ah ee aanay suufiyadu lahayn oo laga dhisay degmada Huurhe.
Fikirka burburinta Masjidka waxaa iska cad inuu ahaa fikir aad u qaldan ,wuxuu ahaa fikir laga baaqsan karay islamarkaana xitaa hadii dariqada suufiyada ay diidan yahay in masjid aan iyaga aayn la dhisto hadiiba qalad uu dhacaayo waxaa fiicnayd walba in masjidka albaabada isugu laabaan ilaa iyo inta xal sidaan ka wanaagsan lagu dhaqaaqi lahaa.
Masjid oo ah guriga Alle lagu caabudo oo aan la kala xigin waa laga wanaagsanaa diiniyan in dab lagu qabtay dhan kasta marka laga eego, tusaale ahaan hantida hada la burburiyay israaf kii ugu weynaa ayay noqon kartaa,waxaana iska cad in tariikh xun ay ahay wixii shalay ka dhacay Degmada Huurshe.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
DAYNIILE.COMÂ





