WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa baraha Bulshada aad loogu faafiyay dhacdo wareed aad loola yaabay markii Laba askari oo Mareykan ah loo xirey inay ka soo horjeesteen tageerada Mareykanku siiyo Israa’iil.
Sidoo kale askartaan waxay ka soo horjesteen in xasuuqa ciidamada Israa’iil u hayaan shacabka reer Qaza ee maalin kasta ganaatalada cir iyo dhul lagu garaacayo xili guryihiin Qaza isku badaleen qabuuro oo kale burburka soo gaaray darteed.
Askartaan waxay ugu baaqeen inay u istaagaan sidii loo hor istaagi lahaa xasuuqa shacabka lagu hayo,sidoo kalana ay Dowlada uga hor istaagi lahaayeen taageerada indha la’aanta ah ay sii siinayaan maamulka Natanyahu oo masuul ka ah xasuuqa lagu hayo reer Qaza.
la yaabka ayaa ah halkii dunidu iska kaashan lahayd in loo hiiliyo shacbaka gaajada iyo madaafiicda lagu xasuuqayo ee ree Falastiin Dowladii Dunida ugu xooganeyd oo lagu ogaa inay Yuuhuuda taageert inay hada ku darsatay inay xiraan askarigii ka hor yimaada taageeradooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
