HomeWarkiiDhacdo la yaab leh: Askari NISA ka tirsan, ardeyna ah oo maanta...

Dhacdo la yaab leh: Askari NISA ka tirsan, ardeyna ah oo maanta dhaawacay macalinkii imtixaanka waardiyeynayay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mida Ardeydii  dhawaan gashay imtixaanka Dugsiga sare ayaa maanta wadada u gashay islamarkaana dhaawacday mid ka mida macalimiintii iskuulka ee dhanka kalana waardiyeynayay  imtixaanka dhawaan usoo dhamaaday Ardeyda Dugsiga sare fasalka ugu dambeeya.

Ardeyda sida gaarka ah macalinka u garaacay wuxuu dhanka kale ka tirsan yahay ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ,wuxuu watay baastoolad isagaana hogaaminayay ardeydii macalinka soo weerartay.

Ardeyga Nisa ka tirsan waxaa la sheegay inuu maclinka wajiga iyo madaxa uga garaacay bistoolada qeybteeda danbe ,wararka qaar ayaa sheegaya in dhiig uu ka yimid macalinka qeybihiisa kore ee jirka sidii loogu garaacayay dabada danbe ee bistoolada.

Askariga hadana ka mid ahaa ardeyda sanadkaan dusgiga sare dhameysatay waxaa la sheegay in la aqoonsaday sidaas daraadeedna uu macalinku ka dacweeyay saldhiga booliiska Degmada Howlwadaag inkastoo wali aan la soo qaban.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -