Gaalkacyo (dayniiile.com)-Magaalada Gaakacyo waxaa ka dhacay arin aad ugub ah dhaqamada iyo dhacdooyinka Soomaalida taasoo ah in dhowr dhalinyaro ah ay ku heshiiyaan inay rag kale kufsi iyo dil isugu daraan.

Wiilkaan ayaa la sheegay in habeenkii sabtida uu ka soo baxay guriga walaashiis isagoo ku sii jeeday guriga eedadiis balse waxaa dhexda u galay koox dhalinyaro ah kuwaasoo wiilkii saqiirka aaha  kufsadeen islamarkaana dileen.

Advertisement

Sida waalidka wiilku sheegeen dhiigcabyada wiilka dileen ayaa marxuumka jawaan ku rideen kadibna waxaa lagu arkay meel aan ka dheereyn guriga qoyska dhibanayaasha.

Allaha u naxariistee wiilka oo lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Yuusuf Jihaad ayaa mar baaritaan caafimaad lagu sameeyay waxay cadeeyeen in wilka ceeji lagu dilay sidoo kalana la kufsaday,cidiamada Booliiska ayaa dhankooda wali wada baaritaan ku aadan kooxihii ka danbeeyay dilka wiilkaasi oo ugu danbeyn maanta la aasay.

Si kastaba Inta la ogyahay dumar la kufsado waa la arki jirey laakiin taariikhda Soomaaliya waa ugub ku ah in rag ku heshiiyaan inay wiil isla kufadaan waana dhacdo ku cusub Soomaaliya

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here