Maanta oo taariikhdu tahay 27-Feb, 2024 ayaa waxa shir degdeg ah isugu yimid xubnaha Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiye Abdillahi Geelqaad ayaa waxa soo xaadirey Guddoomiye Kux-geenka iyo xubno kale, waxaana kulankan diiradda lagu saaray arrimaha maalmahan kasoo cusboonaaday “Hawada Soomaaliya”.

Advertisement

Guddiga ayaa dood dheer kaddib soo jeediyey in kormeer lagu tago xarunta Hay’adda Duulista Rayidka-SCAA ee caasimadda Muqdisho si loo waraysto masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada iyo masuuliyiin, isla markaana wax la isaga waydiiyo dhacdooyinkan soo noqnoqday ee khatar gelinaya badqabka Hawada Soomaaliya, iyo sidii khilaafkan loosoo afjari lahaa oo xal waara looga gaadhi lahaa.

DHAMMAAD.

Previous articleMaxay ka wada hadleen Gudoomiye Aadan Madobe iyo Safiirka Qadar+SAWIRRO
Next articleDAAWO: Kulan loogu baroor diiqayo askarigii Mareykanka ee is dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here