MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guri ku yaal Deegaanka Daara-Salaam ee duleedka Muqdisho waxaa  Saaka laga helay meydka Haweneey magaceeda lagu sheegay Xaawa Cumar  Xuseen.

Allaha u naxariistee Haweneydaan oo Uur Xaamilo ah lahayd ayaan si rasmi ah loo ogeyn sababta geerideeda waxaase jirkeeda ku yaal nabaro muujinaya in la dilay.

Advertisement

Ehalada Haweeneydaan gaar ahaan ninkeeda ayaa la sheegay inay ku war geliyeen Hay-adaha amaanka Dowlada Somalia .

Xarunta CiD-da ayaa loo qaaday meydka halkaasoo baaritaano lagu soo marsiiyay waxaana loo xirey dhacdadaan Laba Gabdhood oo guriga la deganaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkeeda oo markii hore wacay booliiska inuu hadana dib ka baxsaday.

Ha’adaha amaanka wali kama soo bixin war rasmi ah oo la xiriira kiiskaani sida dilkaan wax loo adeegsaday iyo cadeymo la xiriira tuhmanayaasha.

Cunuga yar ee uurka ku jirey waxaa la sheegay inuu isna la geeriyooday hooyadiis.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleAntonio Guterres oo sheegay in Malaayiin reer Gaza ah ku go’doonsan yihiin Rafax
Next articleMadaxweynaha Uganda oo qaabilay Taliyaha Milatariga Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here