MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa wali Xamar iyo hareerihiisa ka sii socda wararka laga soo tebinaayo ee ku saleysan is dilka iyo is gubida dadka isku qoyska ah iyo kawa aan  isku qoyska ahaynba.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Deegaanka Garas-Baaleey ee duleedka Muqdisho uu aabe Soomaaliyeed ilmihiisii iyo xaaskiisa guriga inta ku xirey dab qabadsiiyay.

Advertisement

Wararku waxay xusayaan in dhibaato weyn aysan soo gaarin reerkaasi markii darisku u gurmaeen kana bakhtiijiyeen dabkii guriga haystay.

Aaabaha dhibaatada gaystay ayaa isagana goobta ka baxsaday oo aaney wali laamaha amnigu ku guuleysan inay soo qabtaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWax ka bedelka Dastuurka.
Next articleDAAWO: Maxaa ka dhalan kara xiriri la’aanta dhinacyada isku haya Qaza iyo Dunida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here