Dhagaxyadii Magaalada oo Caawa Qaarkood laga Qaaday

0

Inta badan Waxaa caawa jidadka muhiim ka ah ee magaalada muqdisho laga qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha magaalada.

Isgosyada kala qaaday baraha konroolada iyo dhagaxaanta waxaa kamid ah: sanca siinay Seybiyano ,Tarbuunka , Sh Cali suufi iyo mello kale ,sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka warar aan ka helnay iyo qaarkamid ah bulshada isticmaashay caawa Wadooyinka kadib loo furay.

Muddo ku dhow 3sano shacabka magaalada muqdisho ayaa ku cataabayay xirnaanshaha wadooyinkaas waxaana shacabka iyo gaadiidka ay ku qabeen dhibaatooyin xoogan,iyadoona mar kala duwan dowladda ka codasaday in ay jidadka u furto

Dowladda kama hadlin wali wadooyinka la furay caawa laakin warar qaar ayaa sheegay in la xiray wadooyin kale oo la sheegay in xaaladdu amni loo xiray halka kuwa la furayna tahay qorshaha in shacabka laga qafiifiyay culuska ay ku qabern jidadkaas la xirnaa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha wararkeena ayaan idiin kula soo socodsiindoonaa

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here