Dhakhaatiirta qalliinka Maraykanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen in kelli doofaar ay ku tallaaleen qof bukaan ah ayagoo sheegay in ay rajaynayaan in ugu dambayn arrintaasi ay xallin doonto gabaabsiga xubnaha jirka ee dadku ay ku deeqaan.

 

Qofka kellida loo geliyey ayaa ahaa mid maskaxdiisu dhimatay, taas oo ka dhigan in markii hore ay xaaladdiisu liidatay oo aan rajo laga qabin in uu bogsado.

Kellida waxaa laga keenay doofaar taas oo hidde ahaan la baddalay si looga hortago in jirku uu u aqoonsado in ay tahay mid (qalaad) oo markaas uu diido.

Shaqadan ayaa ah mid aan wali dib-u-eegis lagu samayn amase aan la daabicin, balse qorshaha ayay ku jirtaa in sidaas la sameeyo

 

Tijaabooyin taas la mid ah ayaa horay loogu sameeyey xayawaanka, balse waa markii ugu horraysay oo bini-aadam lagu sameeyo.

In doofaarka loo adeegsado tallaalka xubnaha ma ahan fikrad cusub. Qalfoofka wadnaha doofaarka ayaa horay loogu adeegsaday bin-aadamka.

Xubanaha doofaar kuna waa kuwo ay si wacan isu qaadan karaan xajmi ahaan kuwa bini-aadanka.

Intii lagu guda jiray qalliin laba saacadood qaatay oo ka dhacay jaamacadda New York University Langone Health medical centre, ayaa dhakaatiirtu waxay kellida doofaarka ku xiriiriyeen halbowleyaasha dhiigga ee bukaanka maskax ahaan u dhistay si ay u eegaan in si caadi ah ay u shaqaynayso.

Labadii cisho iyo barkii xigay ayaa si dhow dhakhaatiirtu ula socdeen kellida, ayagoo ka qaadayey tijaabooyin dhowr ah.

Madaxa baaritaanka Dr Robert Montgomery ayaa u sheegay barnaamijka World Tonight ee BBC -da: “waxaan aragnay kelli u shaqaynaysa sidii kelyaha bini-aadanka oo kale, taas oo qabanaysa shaqada ay qabato kellida bini-aadanka”.

“Waxay u shaqeyneysay si caadi ah, mana diidin in ay shaqayso”.

Dhakhaatiirta qalliinka ayaa ku tallaalay qeyb ka mid ah qanjirka doofaarka, oo ay weheliyaan kelyaha. Waxay u malaynayaan in xubintani ay gacan ka geysan karto joojinta jidhka bini’aadamka oo diidaya kelyaha mustaqbalka fog iyada oo kor u qaadeysa unug kasta oo difaaca jirka ah oo laga yaabo inuu si kale ula dagaallamo unugyada doofaarka.

Dr Montgomery horay asag laftiisa wadnaha looga qalay ayaa sheegay inay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in xubno badan loo helo dadka ku jira liisaska sugitaanka, inkasta oo uu qiray in shaqadiisu ay tahay mid muran badan dhalisay.

“Dhaqanka soo jireenka ah ee ah in qof u dhinto qof kale si uu u noolaado marna ma sii socon doono.

“Xaqiiqdii waan fahamsanahay welwelka iyo waxa aan dhihi karo waa in hadda qiyaastii 40% bukaannada sugaya beddelidda ay dhintaan kahor inta aysan helin xubintii ay u baahnaayeen.

“Waxaan doofaarrada u isticmaalnaa cunto ahaan, doofaarrada waxaan u isticmaalnaa daawooyinka – joojinta dhiigga. Waxaan u malaynayaa inaysan sidaas ka duwanayn.”

Wuxuu sheegay inay wali tahay cilmi baaris hore loona baahan yahay daraasado dheeri ah, laakiin wuxuu raaciyay: “Waxay na siinaysaa, kalsooni cusub oo ah in ay wanaagsan tahay in arrintan loo wareejiyo rugta caafimaadka.”

Qoyska qofk bukaanka ah, kuwaas oo doonayey in markii hore ay iyagu xubinta ku deeqaan, ayaa dhakhaatiirka u fasaxay in ay qalliinka guda galaan.

Dr Montgomery wuxuu rumeysan yahay in toban sano gudahood, xubnaha kale ee doofaarka sida – wadnaha, sambabada iyo beerka – la siin karo aadanaha u baahan in xubin kuwaas ka mid ah lagu tallaalo.

 

BBC

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here