GAZA (DAYNIILE.COM)-Dhakhtar u dhashay Norway oo lagu magacaabo Mads Gilbert, ahna u doodaha bini’aadantinimada, ayaa sheegay in dhimashada dhallaanka iyo gaajada Gaza ka jirta ay tahay natiijo ka dhalatay duulaanka ciidamada Israa’iil.

“ma siibo maaha waxa Gaza ka dhacaya ee waa dhibaato Yahuudu geysanayso” ayuu yiri dhaqtarka u dhashay dalka Norwey

Advertisement

Dhaqtarka wuxuu ka hor yimid ereyada la adeegsado sida masiibo iyo gaajada lagu tilmaamayo shacabka Gaza wuxuuna si cad u sheegay in waxa shacabka gaajada ku qasbaya ay yihiin ciidamada gumeysiga Israel.

Dhaqtarkaan u dhashay Dalka reer Yurub ee Norwey Dr. Mads Gilbert ayaa ah dhaqtar leh qibrad 30 sano ah isagoona ka shaqeynayay isbitaallada Gaza

Gilbert wuxuu sheegay in xanibaada raashinka gargaarka iyo biyaha ee Israa’iil  ay taha dambi dagaal oo weyn

“Sidee dunidu u daawan kartaa caruur gaajo u dhimanaysa?”

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Displaced Palestinian children gather to receive food at a government school in Rafah in the southern Gaza Strip on February 19, 2024, amid the ongoing battles between Israel and the militant group Hamas. (Photo by MOHAMMED ABED / AFP)

Previous articleNetanyahu oo dunida kaga naxsaday in weerarka Rafah ay qaadayaan
Next articleDAAWO: Soomaali ku dhimatay god ay dahab ka qodanayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here