Dad badan ayaa aad u dhaliila inay Xafiisyada Dowlada FS ay fadhiyaan dad aan ku joogin aqoon iyo tayo toona. Kuwas oo la degay howlahii ay umadu ka sugeysay Dowladoda. Sidaa darteedna soo jeedinaya in Ay tahay in dowladu ay wax ka bedesho dhaqamadaa xafiisyadeeda ka jira.

Run ahaantii dhaliilaha ay tilmaameyaan waa arin waaqici ah. Si balaarana uga jirta xafiisyada dowlada. Oo u baahan in lala yimaado hab dhaqan shaqo iyo shaqaale oo ku cabiran aqoon iyo tayo iyo isla xisaabtan shaqo.

Waa hubaa Midaa wey aragtaa Bulshada Soomaaliyeed. Midse waxaan filayaa inaysan xog ogaal u aheyn oo ah Dowlada haatan jirtaa aqoon iyo wax walba oo aad qaban kartid waxaa uga qaayo weyn Qof u Sacbiya oo yiraahda SAX WEEYE SAX WEEYE SAX WEEYE. Sax iyo qaladba ku Taageera. Runtii waxay arimahani isoo xasuusinayaan hal heyskii Madaxweynaheenii Soomaaliyeed ee Hogaamiyahii Kacaanka AUN Maxamed Siyaad Barre ee aheyd. AQOONYAHAN KACAAN DIID AH WAXAA KA FIICAN JAAHIL KACAAN AH.

Hadii aan wax laga bedelin xafiisyada guulwadeynta iyo qabiilka lagu fadhiyo, oo aan la helin xafiisyo aqoon iyo Tayo lagu fadhiyo oo ka madax banaan qabyaalad iyo guulwadeyn waxay dib u sii dhigi doontaa hamiga dowladnimo ee ay Umada Soomaaliyeed naawilayaan. Ma aha sax in qabiil lagu saleeyo xafiisyada hoose ee dowlada. Hadii afar wada dhalatay balse awood iyo aqoon u leh shaqada ay umada u qabanayaan ay ku guuleystaan inay fariisan karaan. Hase yeeshee waa in uu jiraa imtixaan iyo sharuudo maangal ah oo ka horeeya fadhiisinta xafiisyada umadu ay adeega ka sugeyso.

Abdurashid Abdulle Abikar DEYL

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here