Qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Burco, ayaa iskaa wax u qabso ku dhisay garoon labaad, oo ay yeelato magaaladani.

Garoonkan ayaa ah mid Kubadda Cagta ah, kaasoo qaada ku dhawaad dad gaaraya illaa iyo shan kun oo qof. Dhismaha garoonka ayaa haatan maraya heer gabo gabo ah.

Garoonkan ayaa dhismihiisu wuxuu bliaabmay horraantii sanadkii 2019-kii, iyadoo sidoo kale waxaa loo isticmaali doonno noocyo kala duwan oo ciyaaraha ah, sida Orodada iyo Kubadda Koleyga.

Maxamuud Xirsi, waa guddoomiyaha Nala Dhis oo Nala Dhamee, oo ah guddiga dhalinyarada ee is xilqaamey gacantana ku haya garoonka, ayaa tilmaamey in garoonka ay u dhiseen iney kahor tagaan in dhalinyarada ay ku kacaan wayxaabo xun xun.

Wuxuu intaa ku darey in dhalinyarada haddii aanan la mashquulin, ay fudud dahay iney isticmaalaan maandooriye, ama iney tahriib ku fikiraan.

BBC

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here