=Qore: Yahya Amir=
Nasashada Jimcaha. Q- 390
1. Axmed Xaafid, ayaa yiri: Dhamaan inta loogu yeero Rag, Rag ma wada ahan. Dhamaan inta Shimbir loogu yeero ma wada Duulaan, waxaa Magaca Shimbir wadaago, Gor gor iyo Dooro. ( F.S: 1-2aad)
( Somaliya, Xildhibaan oo dhami, Siyaasi ma ahan)
2. Idriis Ibrahim, ayaan ka maqlay: Haddii Hal mar aad ka tanasusho Xaqaaga, ku tala gal Safar dheer oo Dulinimo ah. ( F.S:3aad)
( Heshiiskii Adis ee 1/1/2024 amaa laga dhaxlaa Safar dheer oo Dulinimo ah)
3. Wiil yar oo Sigaar u shidan yahay ayaa waxaa u yimid Nin, waxa uuna ku yiri: war Wiil yar ayaa tahay, iska dhaaf Sigaar, waxa uu keenaa cuduro, ilkaha oo kaa daato, iyo Cumiri gaabi ah in aad hore u dhimato.
Wiilkii ayaa Yiri: Abkoowgey waxa uu jiraa 110 Sano waana Caafimaad qabaa, ilkana kama daadan.
Ninkii ayaa yiri: oo Abkoowgaa ma Sigaarka ayuu cabaa?. Wiilkii ayaa yiri: Maya Sigaar ma cabo, ee Arimaha Dadka kale iyo wax aan khuseeyn ma fara gashado. ( F.S:4aad)
( Maxaa Dad badani ay Cumri kaduud ka qaadeen, markii ay isku murjiyeen wax aan iyaga khuseeyn)
4. Oday Da’ ahaa ayaa Laba Wiil oo Caajis ahaa oo uu dhalay ku yiri: waan idin ogahay oo mashaqeeystayaal ayaad tihiin. Laakin waxaan idiin Reebaa dhaxal weligiin idin Anfacdo. Halkaan Guri ayaan Hanti ka leeyahay. Asaaska Guriga Hoostiis waxaan ku duugay Sanduuq ay ku jirto Hanti idin anfici doonto weligiin.
Wiilashu mar kasta waxa ay ku duceeysan jireen in Aabahood uu deg deg u dhinto. Afar Sano kadib ayuu geeriyooday. Markii aaskii laga soo noqday ayeey Gurigii oo dhan Burburiyeen, asaaskii Guriga ayey soo saareen, waxa ay ka heleen Sanduuq Duqoobay. Markii ay fureen waxa ku dhax jiray oo kaliya Hal Warqad oo ay ku qorantahay. Kan Anigaa Dhistay ee Adinkuna kiina dhista.
( Haddii aad hal Qof tahay iyo haddii aad Dowlad tahay, Isku tasho, Dardaaran ka fiican ma jiro)
5. Wiil Ciyaalka Xaafadda ahaa ayaa lagu yiri, Tababar ciidan ayaa Dalka Qadar laguugu qaadaa. Laakin waxaa la geeyay Eriterya oo Ciqaab badan uu kala kulmay. Kaba darene waxaa lagu yiri: waxaa laguu qaadaa Dagaalka Tigrega. Xeradii ayuu ka baxsaday, Laba Koofiya Cas Eriteryaan ah ayaa ka soo Daba cararay. Waddada ayuu ku arkay Qof Haween ah oo Dirac iyo Jabaab wadato. Waxa uu ku yiri: i badbaadi aan Lugahaaga Dhaxdooda galo, kadib ayaan sababta kuu sheegi doonaa. Diracii hoostiisa ayuu galay.

Labadii Asgari ayaa Haweneydii ku tiri: Ma aragtay Asgari Baxsad ah. Waxa ay ku tiri: Halkaa ayuu ku cararay, weyna ka daba ordeen. Ninkii ayaa Lugaheedii ka soo hoos baxay, kuna yiri: waad ku mahadsan tahay in aad i badbaadisay, Abaay Luga fiicanna waad leedahay, waxaan diidayay in aan aado Dagaalka Eriterya, waxaan ahaa Ciyaalka Xaafadda Waaberi.

Haweentii ayaa ku tiri: Haddaad Lugaheeyga Dhaxdooda kor u fiiri leheyd waxaad Arki leheyd Laba Liimo, Aniguba ma rabo in aan aado Dagaalka Eriterya, Ciyaal waaberina waan kula ahaa. ( F.S:5aad)
( Dhaliyaradu haddii la ajaro, si ay isku badbaadiyaan waa yaqaaniin)
6. Nin ayaa Makhaayda Saf u galay oo dalbaday, African Daafi and Bidsa.

Naag dhinac taagneed ayaa tiri: anna Horaan u dalbaday African Daafi and Bidsa, (Isku Mid)

Ninkii ayaa yiri: Maanta waxa ay ii tahay Maalin Farxadeed. Naagtii ayaa tiri: Anigana Maalin Farxadeed. (Isku mid).
Ninkii ayaa yiri: Maxaad ku farxaday maanta? Waxa ay ku tiri: Aniga iyo Ninkeygu muddo dheer ayaa sugeynay in aan wax dhalno, mana dhalin. Maanta ayaan Dhakhtar u tagay waxa uuna ii sheegay in aan Uur leeyahay. Ninkii ayaa yiri: “( isku mid) .

Ninkii ayaa yiri: Guriga waxaa ii joogay Hal Bisad iyo Hal Curi, Muddo dheerna wax ma dhalin Maanta ayeey Bisadii wax dhashay?.
Naagtii ayaa tiri: Sideey ku dhacday? Ninkii ayaa yiri: markii Curigii wax ka dhali waayay ayaan 10 Bisadood oo wada Lab ah oo yar yar u soo xareeyay, sidaa ayeeyna wax uga dhaleen.

Naagtii ayaa Qososhay oo tiri: (Isku mid) ( F.S: (6 & 7aad)
( see wax u jiraan)

Qore: Yahya Amir
Previous articleXiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo go’aamiyay in rabshadihii shalay darteed 3 dhibic la siiyay xulka Hirshabelle
Next articleJadwalka Doorashada Madaxweynaha Puntland oo la soo bandhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here