MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Maamulaha Dekada Muqdisho Cusmaan Maxamuud Caddaawe ayaa ka war bixiyay isbadalka dhanka dhaqaalaha ee sanadkaan ku yimid daqliga ka soo xarooda Dekada Magaalada Muqdisho.

Cusmaan Maxamuud Caddaawe wuxuu sheegay in sanadkii hada dhamaaday ee  2023  dekadu daqli badan soo saartay marka loo eego sanadkii ka horeeyay ee 2022.

Advertisement

“%33 ayuu kordhay daqliga sanadkii 2023 ee maalmo ka hor dhamaaday, waxaana lacag ahaan u sheegi karnaa 170 milyan inaan sanadkaan soo kordhinay”ayuu yiri Maamulaha Dekada

Masuulkaan wuxuu xusay in sanadkii 2022 uu daqligu kordhay %4 halka sanadkii hada dhamaaday uu kordhay %33.

“daqligii sanadkii 2022  waxaa ku soo kordhay sanadkaan 2023 lacag ahaan 50 Milyan oo dheeraad ah ,waxaana rajeynayaan in sanadkaa n 2024 ay gaarsiin doono 200 Milyan”ayuu mar kale yiri Maamulaha Dekada.

Mar uu ka hadlaayay sababta keentay korodha dhaqaalaha dekada ayuu sheegay inay tahay kadib markii Dowlada hada jirta ay si weyn ula dagaashay musuq maasuqa, iyaga ka maamul ahana ay soo kordhinay sistem casri ah oo fududeynaya koontaroolka daqliga.

“sida aad ogtahay dowldu waxay wada la dagaalanka musuq maasuqa iyo koorontoraalka taasaa keentay in daqligu kordho”ayuu yiri

Sidoo kale wuxuu amaanay Ganacsatada badeecadaha kala soo dega dekada oo iyaguna ah canshuur bixiyayaal.

“Ganacsatada waxaan leenaya dhankeena wax xanibaad shaqo ah kalama kulmi doonaan waana idinla shaqeyneynaa sida ugu fiican,balse waxaan adinkana idinka rabnaa inaad nidaamka dowlada u hogaansantaan”ayuu yiri Maareeyaha Dekada Cusmaan Maxamuud Caddaawe

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleMadaxweynaha Somalia oo Casuumaad ka helay dhigiisa Masar
Next articleBooliika Kenya oo toogtay laba shacab ah iyo baaritaano socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here