Dhaqaatiirta Sare Dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa in horraanta Bisha September 2023 ay sameeyaan shaqo joojin salkeedu tahay in aanay weli Dowladdu aqbalin dalabkoodii ahaa in loo kordhiyo Mushaarka oo horay uga wada hadleen.

Ururka Dhaqaatiirta Ingiriiska ayaa ku goodiyay in natiijo aanay wanaagsaneen ka dhalan karto tallaabadaan ay ka dhega-fureysaneyso Dowladda balse kamid ah heshiis labo geesood ah oo ay la gashay dhaqaatiirtaan cabashada ah.

Advertisement

Waxa ay qireen in dhaqaala xumo weyn ay lasoo deristay xilligii lagu jiray la dagaalanka Cudurka Dunida Aafada ku noqday ee COVID-19 kuna soo shaqeeyeen waayaha iyo waqtigaas adag loona baahan yahay in laga garaabo cabashadooda.

Qiimaha Maciishadda Ingiriiska ayaa cirka gashay oo waxa ay dadku awoodi la’ yihiin in lacagaha mushaarka ah oo ay helaan ku kaafiyaan noloshooda maadaama ay kala bateen, taasi waa dhibaato weyn oo xoojin karta cabashada ay qabaan.

Dowladda Ingiriiska Weli war kama soosaarin go’aanka adag ee dhaqaatiirtu ku dhawaaqeen ee ah in haddii la gaaro Bisha September shaqo joojin ay sameynayaan haddii aan la dhaqangelin heshiiska lacagaha loogu kordhinayo oo horay ula galeen Xukuumadda London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here