GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba beelood oo walaalo ah islamarkaana magaalada wada dega.
Allaha u naxariistee Dr.Cumar Cabdi Daahir (Sur-weyn) ayaa lagu dilay meel aan ka fogeyn halka lagu dagaalamayay waxaana la soo sheegayaa inay dileen mid ka mid ah maleeshiyada labada beelood ee dagaalku u dhexeeyay.
Wararka ayaa tilmaamaya in Dhaqtarka loo dilay aano qabiil oo loogu tagay goobta lagu dilay,xaalada ayaa hada degan kadib markii ay goobta gaareen ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socday labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.
Ciidamadaan oo ay la socdeen Taliyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa kala dhex-galay labada maleeshiyo Beeleed kuwaasoo hore ay labada Maamul si wada-jir ah u dhisteen ciidamadaan isku dhafka ah.
Mudo laba sano gudahood waaa dhaqtarkii labaad oo aano qabiil loogu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Magaalada ayaa la soo sheegayaa inay u kala qeybsan tahay laba dhinac oo ay ka kala maamulaan Puntland iyo Galmudug.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
