HomeWarkiiDhaqtar Soomaaliyeed oo ku soo dhaawacmay Iiraan oo lagu guuleystay in dhanka...

Dhaqtar Soomaaliyeed oo ku soo dhaawacmay Iiraan oo lagu guuleystay in dhanka Turkey loo soo gubiyo

May be an image of 2 peoplesida goor dhaw ay shaacisay warbaahinta Dowlada Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd ku guulaystay inay xuduudka Dowladda Iran soo dhaafsiiyaan una soo gudbiyaan dhanka dalka Turkiga muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Mustafa Cali Macalin oo uu dhaawac fudud kusoo gaaray magaalada Tehran kadib weerar ay Israel halkaas kusoo qaaday.

Dr. Mustafa Cali Macalin oo wadanka Iran dhaqtarnimada ku bartay ayaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo ilaa toboneeyo lagu qiyaasay oo wadanka Iran wax ku barta.

Safaarada JFS ee Ankara ayaa maalmaahaan ku mashquulsan inay muwaadineenta Soomaaliyeed ee Iran ku sugan laga soo kaxeeyo halkaas hadii ay magaalada ay ku sugan yihiin ku dareemaan amni xumo.

Safaarada JFS ee Ankara waxay mahad gaar ah u celinaysaa dowlada Turkiga oo fududeeysay sidii Dr. Mustafa loo soo gaarsiin lahaa wadanka Turkiga si uu halkaas ugaga sii gudbo wadankiisa Soomaaliya.May be an image of 5 peopleMay be an image of 10 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -