Dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan ayaan ka qeyb geli doonin aaska boqorada ingiriiska ee geeriyootay Queen Elizabeth II, sida laga soo xigtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay go’aanka markii hore lagu casuumay Maxamed Bin salmaan, kaasoo ah hogaamiyaha dhabta ah ee Sacuudi Carabiya.

Sirdoonka reer galbeedka ayaa Maxamed bin Salmaan ku eedeeyeen inuu amray dilka wariye Jamal Khashoggi, kaas oo sanadkii 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dhaxal-suge MBS ma uusan tegin Ingiriiska, tan iyo markii wariye Jamal Khashoggi lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Amiir Turki al-Faysal, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga, ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo aaska Queen Elizabeth II, beddelkii MBS, sida laga xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska.

Sidoo kale Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay casuumaada loo fidiyay dalka Shiinaha, sababo la xiriira sida uu ula dhaqmo Muslimiinta Uyghur-ka ee Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here