Waxaan goob joog u ahaay dhibaatooyinkii isdaba jooga ahaay ee laga dhaxlay dagaaladii sokeeye & dowlad la’aantii dalka ku dhacday ,

Muddo Toban sanno ah oo xinjiraha dhiiga tubnaayeen meel walba oo kamid ah koonfurta soomaaliya, shacabka ayaa ku alle baryay ilaahoow mar uun dowlad iyo towfiiq nasii,

Sannadkii 2000 ayaa soomaalidu isugu tagtay jabuuti, gaar ahaan Carta, waxaa lagusoo dhisay dowladd ay ku farxeen soomaali inteeda badan, hasa yeeshee siima socon farxaddii , waxaa mar kale laysugu tagay Kenya, waxaana ka dhashay dowladd gubtay sadax meel laba meel dhulka caasimadda, waxaana dhacay dhimasho kabadan amala eg dhimashdii 1991 ilaa 2000 ka dhacday soomaaliya,

Mar kale ayaa laysugu tagay jabuuti waxaana lagusoo dhisay dowlad loogu magac daray Midnimo Qaran, Waana dowladdii ugu horaysay ee kala nad baadisa shacabka, kuna guulaysata in lahelo siyaasad is ogol ah oo soomaali isku hayn karta, gaar ahaan gobolada koonfureed,

intaa wixii ka dambeeyay waxaa la raadinayayin lahelo dowlad wanaag mar hadii la helay dowlad shaqaysa oo laysla ogol yahay, Doorashadii Madaxwayne farmaajo kadib waxaa jirtay rajo ah in loo talaabsaday dhanka dowlad wanaaga, waxaana wax badan laga qabtay soo celinta sowladnimo wanaaga, waxaana inta badan arintaas sabab u ahaay R/W hore Xassan xali khayre, Isagoo xoogga saarayay in uu wanaajiyo shaqanka dowladnimo, si loo gaaro Dowladnimo wanaag buuxa,

Iyadoo afartii sanno ee madaxda dowladda loo asteeyay gabo gabo tahay, ayaa waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya madaxwayne farmaajo & R/W khayre, khilaafka ayaa ahaay Mar hadii waqtiga dowladda hogaankeeda naloo doortay dhamaaday, aan talo wadaag iyo doorasho ogolaano si loo helo dowladdnimada oo sii hana qaata, halka dhanka kale qabay in aan loo baahnayn talo cid aan ka tirsanayn xayndaabka dowladda, dowladuna u maamusho doorashada sidii iyada ugu jirto maslaxad,

Khilaafka labada dhinac ayaa gaaray in Khayre loo arko Masuul caqabad ku ah, doonista xukun dheeraysiga Madaxtooyada, waxaana isugu goobtay Inta badan xubanaha labada hay’adood ee fulinta iyo baarlamaanka, kuwaasoo cabsi badan ka qabay in ay kusoo laaban waayaan kiraastooda, iyadoo khayre ay Taageereen shacabka Soomaaliyeed & beesha caalamka ,kuwaasoo ku amaanay kartidiisa hagaajinta dowladnimo wanaaga & Diidmada ui diiday in xukunka la seeto dheeraysto lana diido Dimoqoraadiuadda iyo daah furnaanta Doorashada,

hadaba waxaa cabsi iyo wel wel ah, in 20sanno kadib dib loogu laabto dowlad la’aan & bur bur hor leh, waa hadii xaalku kusii socdo sida hada wax lagu wado, waxaana hubanti ah in shacabka soomaaliyeed aqbali doonin taas,

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here