Ugu yaraan 11 qof oo Shacab ah ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib dagaal Maanta Ciidamada Deegaanka Soomaalida ee liyuu Boolis iyo maleeshiyaad ubeysan ku dhexmaray Degmada Shilaabo ee Gobalka Qoraxay.

Dagaalka ayaa yimid kadib Ciidamada liyuu Boolis oo baadi goobaya maleeshiyaad ka tegay Goolka Galgaduud oo dil geystay ay la kulmeen qaar kamid ah maleeshiyaadka, waxaana dagaalka u saameyn ku yeeshay dad u badan Carrur & Haween.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degmada Shilaabo ee Gobalka Qoraxay ayaa sheegaya in weli rasaas oos goos ah laga maqlayo aaga lagu dagaalamay, waxaana saraakiisha ciidamada liyuu Boolis ay sheegeen inay dileen qaar kamid ah maleeshiyaadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here