Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaaย Caawa ku dhexmaray xarunta Maamulka degmada Dayniile ee Gobolkan Banaadir Ciidamo katirsan Maamulka iyo kuwa degaanka ah.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu sigaar ah u dhexmaray ciidamo kala taabacsan taliyaha Amniga degmada Deeyniile Maxamed Madoobe iyo Cabraxmaan Ajuuke oo ah nin goofley gacanta ku haya kaamam kuyaalla degmada Deyniile.
Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa saxaa ku dhintay taliye kuxigeenkii Amniga degmada Deeyniile oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Iidle & Nin Magaciisaย lagu soo koobay Fuusto Fuusto, halka ay ku dhaawacmeenย shan qof uu ku jiro guddoomiyihii waaxda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile Axmed Bacool iyo Cabdiraxmaan Ajuuke oo wax ka hoggaaminayay ciidanka dagaalamay.
Laamaha kale ee Maamulka degmada Deeyniile ayaan weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee waxaa degan hadda xaaladda Magaalada.