Laba Ruux ayaa geeriyootay halka hal qof uu dhaawacmay kadib Shil Gaari oo Maanta oo Khamiis ah ka dhacay agagaarka Saldhiga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca Xamuulka qaado ah uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad Shacab ah, iyada oo Ciidamada Ammaanka ay qabteen wadihii Gaariga

Advertisement

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta dayniile u sheegay in Gaariga weyn ee Shilka galay ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, iyada oo dadkii Shilkaasi ku dhintay oo saarnaa Mooto Bajaajta  la geeyay Xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da.