Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degaanka ceeldheere oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Bardaale ee Gobolka Baay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah.

Qaraxa miino ayaa qabsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad Sacab ah oo mareysay degaanka Ceeldheere, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ilaa Saddex Ruux ay ku geeriyoodeen laba kalena ay ku dhaawacmeen

Dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay qaraxa ayaa waxaa la geeyay degmada Bardaale si kuwa geeriyooday loo Aaso kuwa dhaawacmayna loogu daaweeyo Isbitaalka degmadaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed eek u sugan degmada Bardaale ayaa ku baxay oobta uu ka dhacay qaraxa, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo miino baaris ah, iyada oo laga cabsi qabay inay miinooyin kale ku aasan yihiin.

Laamaha Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Baay ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxaas, iyada oo dhowr jeer wadada xiriirisa degnaaka ceeldheere iyo degmada Bardaale ay ka dhaceen qaraxyo ay waxyeelo kasoo gaartay dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here