HomeWarkiiDhisme mar kale ku soo dumay Nairobi oo sababay dhimasho iyo dhaawac...

Dhisme mar kale ku soo dumay Nairobi oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaa mar kale soo dumay dhisme cusub oo shaqadiisu socotay waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray shaqaalihii guriga dhisayay.

Inta la ogyahay 2 ruux ayaa dhimatay halka 7 kalana dhaawacmeen markii uu soo dumay guri laga dhisayay nawaaxiga kaniisad laga dhisayay kaniisadda Karen Community Church ee waddada Ngong Road ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa xaqiijisay dhacdadan, iyadoo sheegtay in saddex qof laga soo badbaadiyay goobta, halka dadka dhaawacmayna loola cararay xaruumaha caafimaadka sida aan ka soo xiganay Idaacada Star FM ee codka Waqooyio Bari Kenya.

Guriga wuxuu soo dumay intii lagu jiray shubka dabaqa koowaad taasoo cadeyneysa inuu blow ahaaba dabaqaan marka dhibaatadu ku timid.

Danka kale inkastoo shaqada ay wali ku jiraan Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa hadana wararka qaar sheegayaan in tirada shaqaalaha la saxay oo aaney jirin wax ka maqan marka laga reebo kuwa dhimashada iyo dhaawaca lagu ogyahay.

Burburka dhismahaan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan dabaq Soomaalida leedaay uu ku dumay isla Nairobi walow dabaqaani ahaa 16 niyaano dhismihiisuna dhamaaday oo kaliya qurxin lagu waday sida riinjiyeyn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -