Wararka ka imaanaya Dalka Mexico ayaa sheegaya in dalkaasi uu ka dhacay dhul gariir cabirkiisu yahay 6.5 kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac intaba.
Warbaahinta Caalamiga ah ayaa soo tabinaya in dhul gariirkaani oo sameeyay koonfurta iyo bartamaha Dalka Mexico jimcihii ay ku dhinteen 2 ruux inta laga war hayo halka ay ku dhaawacmeen 12 kale,waxaana socda gurmadka ay Dowladu siineyso goobaha dhibaatadu ka taagan tahay.
Meelaha uu dhul ngariirku ka dhacay waxaa la soo sheegayaa inay u dhaw yihiin magaalada caanka ah ee dalxiiska loo aado ee Acapulco.
Labada ruux ee ku dhintay dhul-gariirkaan ayaa ahaa Nin iyo Haweeney kuwasoo sida masuuliyiinta gobolka sheegeen da’ ahaan kala jirey 50 iyo 60 jir.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILEÂ
