HomeWarkiiDhul-gariir khasaare kala duwan gesytay oo ka dhacay Dalka Turkey

Dhul-gariir khasaare kala duwan gesytay oo ka dhacay Dalka Turkey

ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhuftay gobolka Balikesir ee waqooyi-galbeed ee dalka Turkiga maanta oo Axad ah, halkaasi oo uu ku dilay ugu yaraan hal qof islamarkaana sababay in ka badan toban dhismo ay dumaan, sida ay saraakiishu sheegeen, ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacmay.

Dhulgariirkan oo xuddun u ah magaalada Sindirgi, ayaa argagax ku riday meel 200km u jirta waqooyiga magaalada Istanbul – oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 16 milyan oo qof.

Haweeney da’ ah ayaa geeriyootay wax yar kadib markii iyadoo nool laga soo saaray burburka dhismo ku dumay magaalada Sindirgi, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya. Afar qof oo kale ayaa laga soo badbaadiyay dhismaha.

Yerlikaya waxa uu sheegay in guud ahaan 16 dhismo ay ku dumeen gobolka – intooda badana ay ahaayeen kuwo burburay oo aan la isticmaalin, Laba minaarad oo masaajid ah ayaa sidoo kale dumay.

Wasiirka oo xaalada guud ahaan qiimeyn ku sameynayay ayaa sheegayineysan jirin xaalad halis ah.

Muuqaalo telefishin ah ayaa muujinaya kooxaha samatabbixinta oo codsanaya aamusnaanta si ay u dhagaystaan calaamadaha nolosha burburka hoostiisa.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka  ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariirka uu daba socday dhowr dhul-gariir oo uu ku jiro mid lagu qiyaasay 4.6, waxayna ku boorisay muwaadiniinta inaysan gudaha u gelin dhismayaasha burburay.

SOURCE AP

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -