HomeWarkiiDhul go’ iyo Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Dalka Congo oo...

Dhul go’ iyo Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Dalka Congo oo sababay dhimasho badan

KIVU (DAYNIILE.COM)-20 qof ayaa ku dhintay, dhowr gurina waxaa qaaday dhul go’ ka dib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Kashebere, ee gobolka Waqooyiga Kivu ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhul go’an uu daba socday roob xoogan oo saacado badan socday, waxaana uu go’ay wadada dheer ee isku xirta magaalada Goma iyo xarunta gobolka Walikale.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in ay dowladda ka codsadeen kaalmo, balse xirnaanshaha wadada Goma ayaa sii adkeysay awoodda dowladda ee wax ka qabashada.

Bariga Kongo ayaa muddo tobanaan sano ah waxaa kala go’ay rabshado uga imaanayay ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ee kala duwan, oo ay ku jiraan Rwanda oo ay taageerto M23, kuwaas oo dib u soo nooleyntooda ay dhawaan sii kordhiyeen colaadda, taasoo ka sii dareysa dhibaato bini’aadanimo oo awalba ba’an.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMLandslide in eastern Congo kills at least 13, leaves over 30 missing

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -