Dhulka dowladda ee la degan yahay mala xisaabiyay mise Dayniile iyo Jacfar ayaa dagaal loogu socdaa, haddii dhul dowladeed laga hadlayo Warlalis idaacad oo waqti hore dhul dadkii lahaa laga xoogay maantana dad degaan u ah waa ka badan yahay.

Waxaa la degan yahay Dugsiyadii sare iyo Hoose ee dhamaan Xamar, Xaruumihii Jaamacadda, Hooygii Jaamacaddii Gahayr, Dhulkii banaanaa ee Tiribuunka, dhulka ka biloowda isbitaal Banaadir wadada isku xirta Xamar ilaa Afgooye, Xaruuntii Shiirkole, guryihii Booliiska Serendi, Xaruuntii Telefishinka, Mirinaayo, dhulkii Somali Airlins iyo dhamaan agagaarka Airportka iyo dhul aan cadad lahayn oo dowladdii Kacaanka xaruumo u ahaa, intaan loo gudbin dalka qaybihiisa kale.

Haddii dhul dowladeed laga hadlayo waxay u baahan tahay in si fiican loo fasiraa ereyga hanti qaran iyo halka ay ku maqan tahay oo ka badan Warlalis.

Waxaan u qaatay qoraalkaan daandaansi, qaa iyo xaniinyo ka taabasho lagu raadinayo qas iyo dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada.

Mise waxaa looga dan leeyahay in maadaama reer Guriceel xoogaa dad laga soo dilay in reer Dayniilana dad dagaal looga dilo ?

FARMAAJO DAYNIILE HADDII UU DAGAAL U SOO AADO WAA LAGA DIFAACI DOONAA KA JOOG !

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here