Dhuxuloow Dhuuniraac

0

Waxa ay soomaalidu ku maahmaahdaa, Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday, Ninka ragga ahi waa ninka xaqiisana dhacsada, wax walaalkii haystana aan si xun u hungureyn.

Khayre gefka koowaad ee uu xafiiskiisa iyo tolkiis guud ahaan hawiye ka galay waa inuu Dhuxuloow aaminay oo u arkay nin waxgal ah.

Dhuxuloow waa jilaa weyn waxaanna oran karnaa waaba Hollywood caadi ah, waanna nooca ninka ay dilaan tacsidiisa ka ooya ee indhaha booreysta.Waa halkii Abwaan Qammaan Bulxan ka lahaa:

Baadida ninbaa kula daydaya, Daalna kaa badane
Oon doonahayn inaad heshaa, Daa’in abidkaa
Dadkuna moodi duul wada dhashoon, Wax u dahsoonayn
Dalona malaha aakhiro haddii loo kitaab dayo e.

Dhuxuloow waxaa uu ciyaaray ciyaar dhex ku jira ah, isaga oo kaalin weyn ka qaatay bixinta xogta xafiiska Ra’iisalwasaaraha, lana shaqeynayey si weyn Muudeey iyo Mursal oo ahaa gacmihii Farmaajo u adeegaysay.
Dhib malaha inuu dhankaas maro oo la safto qofka uu rabo, sida kuwa kale oo beesha ahiba, balse waxuu dheeraa raggaas ruufyaanimo iyo laba wajiilenimo.

Abwaan Faarax Nuur oo nin ay is xigeen wax ka tabanayey kuna arkay habdhaqanka Dhuxuloow oo kale ayaa yiri:

Namiimiyahu warkuu sheegayaa nacas run moodaaye
Anna nadartu wixii aan arkaan nacam iraahdaa
Nin ku xiga naxliga kuu galaa, nudayga kaa gooye

Waxyaabaha ugu xun habdhaqanka bulshada, siyaasadda iyo wada noolaanshaha waa in qof aad aamintay xogtaada gudbiyo isagoo ku raadinaya dheefta uu kugu haysto, mid ka hoos ah iyo weliba isagoo bahdilan.

Mustaf dhuxuloow oo ah nin in muddo ahba ku macaashayey kuna noolaa, hadba qof la safashada iyo mid ka safashada, ayaa ku yiri Rag weydiiyey, oo xafiiska madaxweynaha ka shaqeeya, maxaad Khayre uga soo horjeesatay oo ku falaysaa in la rido, iyagoo la yaaban nin inaadeerkii dhabarka ka jabinaya.

Wuxuu yiri: “Markasta oo uu Kheyrre wax noqdo,waxaa sii lumeysa rajadeyda ah inaan anigu wax ahaado maadaama aan isku jilib hoose kasoo wada jeedno, Khayrre oo Madaxweyne ah waxaa iiga roon aniga oo xoghaye degmo ah, nin kasta dantiisa ayuu wataa”.

Mustaf dhuxuloow oo ilmadii yaxaaska ka muujiyey Baarlamaanka, ayaa ahaa mid hawshan oo dhan soo abaabulay si weyna ugu lug lahaa, balse Beesha Murursade inuu indho sarcaadiyo, kana dhigo kuwa u maleynaya nin dhiig leh oo karti leh ayuu u sameeyey buuqii yaraa ee riwaayadda ahaa, saaxiibadiisa kale ee Muudeey iyo Mursalna waa la ogaayeen jillitaankaa quruxda badan.

Waxa caddeyn u ah in ow ka shaqeeyey ridistii sharci-darrada ahayd marna lama arag asagoo soo istaaga fagaarayaasha Mediyaha sida qabashada shirjaraaid sidii ay yeeleen rag difaacayey dhowrista shirciga uun, hase yeeshee aan Kheyre ku heysan daardhuuqii uu Dhuxulow ku hestay. Inkastoo aan ogayah in owsan ahayn nin fagaare ka hadli kara haddana xilligaan waxay ahayd in ow ugu yaraan iscaddeeyo.

Gabagabadii, Dhuxuloow oo loo ballan qaadey rajana ka leh in lagu abaal marin doono in meel uun loo magacaabo, wuxuusan xisaabta ku darsan in kuwii isaga ka horeeyay ee noocaas ku shaqeeyay dowladdii hore, ugu danbeyntii xarumahooda Ciidan lagu wareejiyay, halka qaar kalana ballamihii looga baxay markii lagu dangaaray.
~Cismaan M Qanyare.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here