HomeWarkiiDib u dhac ku yimid Doorashadii Duqa Gaalkacyo iyo maleeshiya Beeled wali heysta...

Dib u dhac ku yimid Doorashadii Duqa Gaalkacyo iyo maleeshiya Beeled wali heysta xarunta 

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland ayaa sheegaya in wali xiisad ay ka taagan tahay magaaladaasi xili maalintii 3-aad ay maleeshiya beeleed heystaan xarunta Dowlada hoose halkaasoo maanta lagu waday inay ka dhacdo doorasho.

Xiisadaan ayaa ka dhalatay kadib markii la sheegay in nin mushaax u ahaa xilka Duqa Magaalada Gaalkacyo laga reebay tartanka xilka loo galayo taasina ay keentay in maleeshiya beeleed reerkiisa ah ay qabsadaan xarunta Dowlada hoose ee Gaal-kacyo.

Wasaarada arimaha gudaha Maamulka Puntland a ayaa la soo sheegayaa inuu ugu danbeyn soo fara-geliyay iyagoona amray in 24 saac dib loo dhigi doorashada Dowlada hoose ee Gaalkacyo si loo xaliyo tabashada maleeshiyada qabsatay xaruntaasi kuwaasoo maanta ku sedex heysta xarunta.

Xiisada ka taagan Magaalada Gaalkacyo waxay ku soo aadeysaa xili maanta oo ah Sabti lagu balansanaa inay qabsoonto doorashada Duqa Magaalada Gaalkacyo balse lagu qasbanaaday in dib loo dhigo madaama maleeshiya beeleed ay qabsadeen xaruntii Doorashadu ka dhici lahayd.

Dhanka kale Maamulka Puntland waxaa looga fadhiyaa inay xiisadaan xal siyaasadeed u keenaan ama xal awood ciidan ah madaama maamulkii laga fara marooqsaday xarunta Degmada oo maleeshiya beeleed ay iska heystaan maalintii 3-aad.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -