MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar hoose oo aan helnay kaasoo tilmaamaya inuu dib u dhac ku yimid shirkii Dowlada iyo Mucaaradka beri uga furmi lahaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan xalane.
Madaxweynayaasha Maamulada Jubaland iyo Puntland oo lagu waday inay maanta soo gaaraan Muqdisho ayaan iman walow Madaxweyne Xasan oo isna ka maqnaa Muqdisho uu galabta dib ugu soo laabtay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laga yaabo in shirku furmo maalin kadib sida Isniinta ama Talaadada madaama ka qeybgalayaasha aysan soo dhameystirmin.
Warar kale ayaa sheegaya inay jirto xurguf sababtay dib u dhaca taasoo ah inuu jiro muran ka dhashay ka qeygalayaasha iyadoo la hadal hayo in Dowladu dooneyso in shirkaani mucaarad oo dhan ka soo qeybalaan iyo sidoo kale ururada bulshada halka Mucaaradka Golaha Mustaqalka ay doonayaan in iyaga iyo Dowlada oo kaliya ay galaan shirka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
