HomeCiyaaraha“Dib uma laabaneyno” Wakiilka Jackson oo dab kusii shiday xaaladda xiddiga

“Dib uma laabaneyno” Wakiilka Jackson oo dab kusii shiday xaaladda xiddiga

XIGASHO LAACIB.NET

Bayern Munich ayaa u muuqatay inay ku dhowdahay saxiixa weeraryahanka Nicolas Jackson oo amaah uga soo wareegaya Chelsea, iyadoo xiddiga Senegal uu Sabtidii ka degay magaalada Munich. Si kastaba, xaalad lama filaan ah ayaa dhacday kadib markii Liam Delap uu ku dhaawacmay kulankii ay Blues 2-0 kaga badiyeen Fulham, taasoo Chelsea ka dhigaysa inay ka fiirsato sii deynta Jackson.

Wakiilka Jackson, Diomansy Kamara, ayaa weli rajo ka qaba heshiiska, isagoo bartiisa Instagram ku soo qoray:

“Dib looma laabanayo… diyaaradda gadaal uma dhaqaaqdo. Munich”

Dhanka kale, agaasimaha ciyaaraha Bayern Max Eberl ayaa ka hadlay arrinta ka hor kulankii Augsburg, isagoo sheegay in qorshaha xiga la caddeyn doono kadib ciyaarta.

Xaaladdan ayaa weli ka dhigan in mustaqbalka Jackson uu ku jiro jahwareer, iyadoo Bayern weli u baahan tahay weeraryahan, halka Chelsea aysan rabin inay lumiso labo weeraryahan hal maalin gudaheed.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -