HomeCiyaarahaDiego Simeone oo koox lama filaan ah ku tilmaamay tan ugu awoodda...

Diego Simeone oo koox lama filaan ah ku tilmaamay tan ugu awoodda badan Champions League sanadkaan.

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa si lama filaan ah u sheegay kooxda uu u arko tan ugu xoogga badan UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, mana aha Arsenal, PSG ama Bayern Munich, kuwaas oo ay khubaradu inta badan tilmaamaan.

Simeone, oo hadlay kaddib guushii 2–1 ee ay Atletico ka gaareen Inter Milan, ayaa si cad u yiri:

“Shaki kuma jiro. Inter waa kooxda ugu xoogga badan Champions League hadda.”

Kulanka oo ka dhacay Wanda Metropolitano ayaa waxaa goolka furitaanka u dhaliyay Atletico, Julian Alvarez, halka Piotr Zielinski uu u barbareeyay Inter.

Laakiin Atletico waxay rajadooda u gudbidda wareegyada xiga dhabeeyeen kaddib markii Jose Maria Gimenez uu 93-daqiiqo madax cajiib ah ku dhaliyay goolka guusha.

Guuldarradan waxay ahayd tii ugu horreysay ee Inter ku dhacda tartankan xilli ciyaareedkan.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -