Digniin Halis ku ah Bulshada Soomaaliyeed!

Magaalada Muqdishu waxaa kusoo kordhay arrin halis ku ah bulshada Soomaaliyeed waxaan la kulmay dad badan oo si farsameysan lacaga account ugu jiro looga qaatay, Dhowr qof uu hantidooda ayaga gacantooda ku bixiyeen kadib marki la indha sarcaadiyey, dhadhacdaan waxay ku dhacday 3 qof aan aqaano kulli waxaa laga qaatay lacag fara badan oo aan hadda caddadkeyda halkaan ku xusi karin.

Sidee ku dhacday in la indha sarcaadiyo mid ka mid ah dadka loo geestay dhaca ayaa inoo sheegay in la salaamay kadibna asiga u bixiyey lacagtii acountiisa ku jirtay asiga oo aan waxba ka reeban lacagtiisa. Maalma kadib ayuu ogaaday in lacagtiisa acount ka marantahay.

Marki la weydiiyey cidda u siiyey maba oga dhacdadaan ayaa sababtay in cabsi xoogan soo wajahdo dadka ku dhaqan Muqdishu gaar ahaan dadka hantida leh waxaan la sheegi karin cidda ama qolada barnaamijkaan la timid hase ahaate waxaa la yaab ah ma jirto cid lagu eedeyn karo waan halis inteeda leh, qof la dhaco ma ogaan karo shaqsigii uu siiyey lacagtiisa waan sababta walwalka ugu badan ee aan dacwad lagu oogi karin kooxdaan cusub.

Haddaba waxaaa digniin u direynaa shacabka ku dhaqan Magaalda muqdishu iyo guud ahaan gobalada dalka in ay iska ilaaliyaan burcadda cusub ee indha sarcaadka wadato, Ogoow lacagaha ay ku xisaabtamayana waa dhowr kun oo dollar taasina waa halis weyn ee wajahayaan dadka maalayiinta u taalo bankiyada dalka.

Alle ha inaga wada badbaadiyo tuugaadan cusub ee aan ka digtoonaano waa in si wadajir ah loo baahiyaa warkaan kusaabsan indha sarcaadka lacagaha ummadda lagu qaadanaayo waxaan ugu baaqayaa dadka la kulma xaaladaan in ay meediyaha la wadagaan si looga baafiyo in dadka hantidooda si fudud dad u qaadanaayo dalka ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here